Dowladda Soomaliya ayaa taageertay Howlgalada Ciidamadda Turky-ga ay ka wadaan dalka Siiriya gaar ahaan Gobolka Afrin.
Wasiirka Arrimaha Dibbada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga in Dowladda Soomaliya ay taageersan Tahay Howlgalkaas.
“Waxaan taageersanahay howlgalada Milatari ee ay ciidamada Turkiga ka wadaan Afrin, Turkigu waxa ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan,waxaan la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlut Cavusoglu una cadeeyay taageerada Soomaaliya ay u hayso howlgalada”ayuu sii raaciyay Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya.”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Cawad xilli uu ku sugnaa dalka Ethiopia.
Ciidamada Turkiga waxa ay bilaabeen todobaadkii aynu soo dhaafnay howlgalo loogu saarayo deegaanka Afrin ee Waqooyi Bari Siiriya ururada PYD/PKK iyo Daacish,kuwaasi oo la aamisan yahay in ay taageero ka helaan Dowladda Mareykanka.

