Warar lagu baahiyay Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay qarax saakay ka dhacay magaalada muqdisho in lagu dilay ciidamo katirsanaa midowga afrika ee Amisom kuwooda ka howlgala Magaaladda Muqdisho.
Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxii saakay ka dhacay magaaladda muqdisho ay ku dileen ilaa 6 askari oo katirsanaa ciidamada AMISOM, shabaab ayaana intaa ku daray in ciidamada ay muqdisho saakay qaraxa kula eegteen ay galbinayen saraakiil Cadaan ah oo katirsan howlgalka ka dhanka Xarakada Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.
Sido kale Warka kasoo baxay Xarakadda AL-shabaab ayaa waxey ku sheegeen in qaraxii saakay muqdisho ka dhacay iney ku gubeen gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamo katirsan Amisom oo galbinayay saraakiil cadaan ah, halkaana ay ku geeriyoodeen dhamaan askartii gaariga la socotay, sida ay ku baahiyeen warbaahinta Afkooda ku hadasha.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Howlgalka midowga Afrika AMISOM oo loogu hadlaayo qaraxaan.
isbuuc ka hor ayaa sidaan oo kale qarax nuucaan oo kale ah lagula eegtay Ciidamada Amisom Waddada Jeneraal Daa’uud ee Muqdisho.

