Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamada amniga ee Maamulkaas ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa.
Qaraxaan oo loo waday gudaha Kenya ayaa lagu qabtay banaanka magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Wasiirka amniga ee Maamulka Jubaland, wasiirka arimaha gudaha iyo saraakiisha ciidamada Maamulkaas, ayaa tagay goobta qaraxaan lagu fashiliyay, waxayna sheegeen inay shacabka gacan ka geysteen.
Wasiirka amniga Jubaland C/rashiid Jaran oo warbaahinta kula haday goobta lagu qabtay waxyaabaha qarxa ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Gedo in ay la shaqeeyaan maamulka si loogu guuleysto Al-shabaab.




