Maal mihii ugu danbeeyay ayaa waxaa sii kordhayay banaan baxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya dalka iiraan,kuwaasi oo salka ku haya mid loooga soo horjeedo cadaadis la sheegay in shacabku ay kala kulmayaan dowladda shiicada ee dalkaasi ka arimhisa.
Inta la ogyahay Ilaa 2 qof ayaa lagu soo waramaya in lagu dilay magaalo lagu magacaabo Dorud oo ku taala Galbeedka Dalkaasi Iiraan,sida ay muujinayaan Muqaalo lagu baahiyay baraha ay isugu imaato.
Magaalada Abhar, oo ku taalla waqooyiga dalkaasi dibad baxayayaasha ayaa gubay tabeelo uu ku dhaganaa sawirka hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan , Ayatollah Cali Khamenei.
Caasimadda Tehran, ayaa waxa ay dibad baxayaasha ay isgu soo baxeen bartamaha magaaladaasi waxa ayna booliiska iyo militariga ay ugu baaqayeen in ay ku soo biiraan.
Dhanka kale Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa tweetarka ku qoray in xukumadaha wax cadaadiya aysan sii waari doonin.
War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa lagu sheegay in hadalka Trump uu u muuqdo in uu yahay fursad ka faa’idaysi iyo khiyaamo lala doonayo dowlada shiicada ee iiraan.
Madaxwaynaha mareykanka ayaa horey u dhaliilay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan ay la galeen wadamada quwadaha waawayn.
Magaalooyiinka qaar waxaa isku dhacay dibad baxayayaasah iyo booliiska,iyadoo sidoo kale shalay caasimada Tehran uu dhacay dibadbax lagu taageerayay xukuumada Iiraan.

