Author Archives: Radio Simba

Xasan Shiikh:-“Kenya Waa Lagu Cadaadinayaa in Aysan Ka Tanasulin Kiiska badda”,!

Xili Maxkamadda Cadaalada Aduunka ICJ ay dib u dhigtay dhageysiga kiiska muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa arintaas ka hadlay mid kamid ah aqoonyadda Soomaaliyeed. Pro Xasan Shiikh oo kamid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Go’aanka Maxkamadda kasoo baxay uu yahay mid cadaadiska kusii kordhinaya Dowladda Kenya. Waxa uu sheegay ...

Read More »

Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Puntland oo Lagu Dilay Gaalkacyo

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya mas’uul ka Tirsanaa maamulka Puntland oo xalay lagu dilay magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay taliyihii kastamka Wasaarada Maaliyada Maamulka Puntland,kadibna waxay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay. Mas’uul la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xasan Cabdulle Hiraaabe  waxa uuna ahaa taliyihii kastamka Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Intaasi ...

Read More »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan Ku Leh Xaruntiisa Magaaladda Muqdisho

Xildhibaanadda Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Golaha shacabka ee magaaladda muqdisho ku yeelanaya Kulankooda koowaad Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga. Qoraal kasoo baxay Xafiiska warfaafinta Golaha shacabka ayaa Xildhibaanadda loogu ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Washington Uga Qeyb galay shirka IMF iyo Bangiga Adduunka

  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane; Xasan Cali Kheyre, ayaa Magaalada Washington DC ee Caasimadda Dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda Lacagta Adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta Dalka iyo sida ay Dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku ...

Read More »

Taliyihii hogaaminayay Howlgalkii Shabaab Loogu Saaray Awdheegle oo Dowladda Dishay

Ciidamada Ilaaladda  Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho balse haatan loo bixiyay Maa’ida Hotel ayaa caawa dilay Taliyihii Guutada Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan iyo ilaaladiisa xili uu gaari la socday. Gaariga uu la socday taliyaha ayaa waxaa ka shakiyay Ilaaladda hoteelka,waxayna ku fureen taasi oo keentay dhimashadda Taliyaha iyo Ilaaladisia. Gaariga uu saarnaa Taliyihii Guutada Gorgor ee ...

Read More »

ICJ oo Dib u Dhigtay kiiska Badda Kenya iyo Somaliya iyo DFS oo Soo Dhaweysay

Maxkamadda Cadaaladda Caalamka (ICJ) ayaa waxay go’aan rasmi ah ka soo saartay waqtiga la dhageysanayo dacwadda murunka la xiriira Badda Somaliya. Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda la sii amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka soo socda. Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayso go’aanka Maxkamadda ...

Read More »

Walaalka Madaxweynaha Iiran oo Lagu Xukumay Shan Sano oo Xarig ah

Nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha dalka Iran, Hassan Rouhani ayaa lagu soo warramayaa in uu u bilawday shan sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay dembi musuqmaasuq. Qareenka Hossein Fereydoun, oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha dalkaas, la taliyena u ahaa ayaa sheegay in Hosseni uu maalin kahor galay xabsiga Evin ee Magaalada Tehran. Ninkan ayaa lagu helay dembi ah ...

Read More »

Mas’uuliyiintii Maamulkii Degmadda Maxaas oo La Horgeeyay Maxkamadda CQS

Mas’uuliyiintii hore ee Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federalka Soomaaliya. Xubnaha Maxakamadda la horgeeyay ayaa kala ah C/raxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Degmada Maxaas iyo Nuur Ibraahin Mahad Alle oo ahaa Gudoomiye Ku xigeenkii hore ee Degmadaasi. Mas’uuliyiintaan ayaa loo haystaa eedeymo ku aadan Qarax ...

Read More »