Shariif Sheekh Axmed oo si adag uga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay

0

Madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u hadlay qaar ka mid ah dhacdooyin maalmahii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duuleedkeeda.

Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu si adag u cambaareeyay talaabooyin kala duwan oo ciidamada dowladdu qaadeen oo ay ka mid yihiin is hortaaga shir lagu mideynaayay 5 xibsi, xirnaashaha ganacsiyada Muqdisho iyo weerar lagu dilay 2 ruux oo ka dhacay deegaanka Jasiira ee duuleedka Muqdisho.

“Waa wax laga xumaado oo nasiib daro ah shir  ujeedjiisu ahaa mideynta shan xisbi siyaasadeed oo looga hadlayay kaliya mustaqbalka xisbiyada iyo horumarintooda in dowladda ciidamo u dirto oo la hor istaago shirka, taas waxay cadeyneysa in dowladdu aysan daacad ka ahayn qorshaha  doorashooyinka qof iyo codka ah, mar hadii la weerarayo xisbiyadii dalka iyagoo shiraya” ayuu yiri madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Shariif Sheekh Axmed in talaabooyinka ay qaadayaan ciidanka dowladda ay yihiin kuwa baal marsan sharuucda aas aasiga u ah dowladnimada iyo Dastuurka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here