Wasaaradaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Serbian oo kawada hadlay xiriirka labada Dowladood

0

Safaarada Soomaaliya ee dalka Serbia ayaa faah faahin ka bixisay wada hadalo qadka telfoonka ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallim Fiqi iyo dhigiisa Wasiirka Arimaha Dibada Serbia Danjire Marko Djuric oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal

Safaarada ayaa sheegtay Bayaan ay soo saartay in Labada Wasiir ay ka wada-hadleen xalaadaha guud ee labadda dal Siyaasadda Caalamka, Amniga iyo dhaqaalaha.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa xiriirkooda saaxiibtinimo uu sii marayaa muddo 65 sano ah. “Waxaan xoojin doona kor u qaadidoona xiriirkeena wadaagga ah” ayuu yiri Danjire Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa muujiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee dowladaha dunidda oo idil, iyadoo mar walba mudnaan gaar ah la siinayo dalalka saaxiibtinimadoodu mudadda dheer ee ay soo jirtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here