Heshiiska dhismaha 6 wado oo lagu saxiixay magaalada Muqdisho

0

Munaasabad lagu soo bandhigayey saxiixa heshiiska shirkadaha loo qaatay tartanka dhismaha qaar ka mid ah dayactirka iyo dib udhiska waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ka daah furay Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka Cabdisalaan Cabdi Cali waxaana si rasmi ah heshiisyadaasi u saxiixay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

28-shirkadood oo tartankaan horey usoo galay, ayaa kaliya waxaa kusoo baxay afar shirkadood oo kala ah 1-Kulmiye, 2-Docol, 3-Dhis, 4- Buruuj, waxaana goobta ay munasaabadan ka dhaceysay goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Ganacsato iyo qeybaha Bulshada.

Wadooyinka la dhiso doono ayaa waxaa maal-galinaya Mashruuca Nagaad ee ay maamusho Wasaaradda Hawlaha Guud Soomaaliya, Waxaana ka mid ah Waddada Keysaneey, Dhameystirka Waddada Dayniile, Waddada weyn ee Dagmada Kaxda, Waddada Isbitaal Madiino, Wadada Nasiib-Buundo ilaa madaxtooyada, iyo Waddooyinka xiriiriya shangani iyo via Rooma ee Degmada Xamar Weyne.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here