Taliyaha ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, Taliyaha ciidanka Dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ergeyga madaxweynaha u qaabilsan ciidanka Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan.
Masuuliyiintaan oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan nawaaxiga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka u sheegay iney u diyaar garoobaan dagaalka Al-shabaab looga xureynayo qeybaha ay ka joogaan Hiiraan.
Taliyaha ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo furimaha hore ee dagaalka kula hadlay ciidamada iskaashanaya ayaa sheegay in la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa Al-shabaab.
“Waxaa la idinka doonaya inaad qeyb muhiim ah ka qaadataan dagaalka lagu xorreynayo dalka, waxaa lagama maarmaan ah inaan iska qabano dadka ku dhexjira Al-shabaab ee anagana nagu dhexjira, waxaan rabna cadawga inaan meelaha uu joogo ugu tagno, kuwa dhibaatada ay ku hayaana aad ka xureysan” ayuu yiri Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali.

