Wararka ka imaanaya Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas l lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada ee deegaanka Sabiid
Marxuum Maxamed Xasan Xaamuud (Maqas) ayaa la sheegay iney rag bastoolado ku hubeysan ku dileen goob uu ku sugnaa oo ka tirsan degaanka Ceelasha biyaha.
Ragga dilka geystay oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin al-shabaab ayaa goobta ka baxsaday sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah.
Ciidamada amaanka dowlada Somalia aya gaaray daqiiqado ka dib goobta uu ka dhacay dilka marxuumka, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano.