Wararka

C/wali Gaas oo Shaqada Ka Ceyriyay Saraakiil Taageertay Dowladda Farmaajo

Madaxweynaha Puntland ,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa shaqada ka rukhseeyay 7 sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland,kuwaasoo maalmo ka hor shir jaraa’id oo ay ku qabteen Garoowe taageero ugu muujiyay dowladda Federaalka Soomaaliya. Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo ku taariikhaysan 25 bishan October ayaa shaqada looga ceyriyay saraakiisha kala ah; G/Sare Jaamac Axmed Maxamed (Luujito),G/Sare Maxmed ...

Read More »

Gudoomiye Yariisow oo Sheegay In Magaaladda Muqdisho ay Amni Tahay

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka tarjumeyso horumarka dhinacyada kala duwan ee Caasimaddu ku tallaabsatay muddooyinkii la soo dhaafay. Guddoomiye Eng. Yarisow oo Casho sharafeed u sameeyey madaxdii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku soo dhaweeyey ...

Read More »

Farmaajo oo Ku Martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada Shir Wadatashi ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada Dowlad Goboleedyada, wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay kasoo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista ...

Read More »

DEG DEG: Dagaal Xoogan oo Hada Ka Socda Kismaayo Iyo Jugta Madaafiic La Is Dhafsaday

  Dagaaal xoogan ayaa goordhaw ka qarxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta maaamulka Jubbaland. Goobjooge Simba lasoo xiriiray daqiiqado ka hor ayaa sheegay in uu maqlayo daryanka hubka nuucyadiisa kala duwan iyo in la maqlayo Madaafiic xoogan. Warka ayaa ah mid daqiiqado ka hor soo gaaaray War qabadka Idaacada Simba Ee magaalada Muqdisho, balse goordhaw Fillo Faah faahinta dagaalkaasi. Dagaalka wali ...

Read More »

DEG DEG: Israsaaseyn Khasaare Geysatay Oo Goordhaw Ka Dhacday Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is Rasaaseyn khasaare sababtay oo goordhaw dhax martay Ciidamo uu watay Gen. Sheegow iyo ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya. Is rasaaseyntan ayaa ka dhacday meel ku dhaw Sarta Seybiyaano, kadib markii ay wada murmeen ciidan Boolis ah iyo ciidamo Saarnaa Gaari Cabdi Bille ah oo uu watay Gen. Sheegow oo katirsan Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya. ...

Read More »

DEG DEG: Dhaawacyada 22 Qof Oo Goordhaw La Dhigay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho

Faah faahin kasoo baxeysa diyaarad wada dhaawacyo kala duwan oo goordhaw soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Saraakiil katirsan kuwa Amaanka garoonka ayaa Radio Simba u sheegay in Muqdisho ay soo gaartay diyaarad wada 22 ruux oo qaba dhaawacyo kasoo gaaray dagaal beeleedyo lagu hoobtay oo maalmihii danbe ka dhacayay deegaano katirsan Gobolka Sool. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya ...

Read More »

DEG DEG : Shil Khasaare Dhimasho Geystay Oo Goordhaw Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Shil khasaaro dhimasho geystay ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho. Shilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Baar Ubax iyo Carwo Idka ee degmada Howlwadaag. Inta la xaqiijiyay wiil yar oo Da’diisa lagu qiyaasay 13 jir ayaa gaari nuuca Xamuulka ku jiiray goordhaw agagaarka Isgoyska Baar Ubax, goobjooge ayaa Simba u sheegay in wiilkaasi uu kaxeynayay Baasiilka. Ciidamo katirsan ...

Read More »

12 Milyan Muslimiin Ah Oo Ka Qeyb Galay Janaazada Waardiye Dilay Wasiirkiisa + Sawirro

Hawaynay u dhalatay waddanka Pakistaan ayaa si bareer ugu gaftay Nabigeenna Muxammad (NNKH) ayaa waxa ayna dhacdadaasi ku caro badan ku abuurtay muslimiinta Caalamka. Haweyneydan waxaa difacay mid kamid ah Waziirada Pakistaan oo saaxiib la ah dowladda Mareekanka waxaana taasi ka dhashay in Waardiyihii wasiirka oo muslim ahaa uu u dulqaadan waayo in la difaaco haweeneydaasi, ayaa Waxa uu wasiirkii ...

Read More »

Haweeneey Loo Doortay Madaxweynaha Ethiopia

Baarlamanka Ethiopia markii ugu horeysay haweyney u magacaabay madaxweynaha waddankaas. Baarlamaanka waddanka Ethiopia ayaa madaxweynaha cusub ee dalkaasi u magacaabay Sahle-Work Zewde waxa ayna noqoneysaa haweyneydii ugu horeysay ee Itoopiya madaxweyne ka noqota, iyadoo badali doonta Mulatu Teshome oo xilkaasi ka degay. Haweyneydan ayaa iska soo casishay xilalkeedii wakiilka gaarka ee xoghayah guud iyo madaxa xafiiska qaramada midoobay ee midowga ...

Read More »