Maamulka degmada Xuddur ee gobolka Bakool oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta gobolka iyo qeybaha bulshada ayaa dhigay bannaanbax ballaaran oo ay ku taageerayaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool.
Dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen Al-Shabaab, iyagoo u arka ciidamada Ethiopia in ay naftooda u hureen amniga dadka deegaanka.
Ka qeyb galayaasha dibadbaxa ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in ciidamada Itoobiya lagu badalo ciidamada Masar.
Waxay walaac ka muujiyeen in ciidamada Masar ay wiiqi karaan xasiloonida gobolka, ayna uga sii dari karaan dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka deegaanka, oo muddo dheer la kulmayay hanjabaadaha kooxda Alshabaab.

