Dowladda Ethopia ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalo ay ku bixisay dibadbaxyadii shalay ka dhacay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool kaasi oo loogu soo horjeeday Dowladda Masar Sidoo kalana lagu taageeray Dowladda Ethopia.
Aqoonyahan Dr Salaad Muuse Cali oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Dowladda Ethopia iyada oo adeegsanaysa siyaasiyiin Soomaali ah in dhibaatooyin ay kawado gudaha Soomaaiya.
Waxa uu sheegay in tusaale loogu soo qaadan karo wixii shalay ka dhacay Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool,halkaas oo shalay dad shacab ah ay ku muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin Dowladda Ethopia oo haatan khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaiya.
Dhanka kale Aqoonyahan Dr Salaad oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxa uu sheegay in Dowladda Ethopia si waba ay ka go’an tahay sidii ay ku heli laheyd bad,islamarkaana loo baahan yahay in aan la dhayalsanin damacaas.

