Saraakiisha Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Turkiga oo Ku Sugan Xarun Tababar +Sawirro

0

TaliyahaCiidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa  Xafiiskiisa kulan kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkiga, kuwaasi oo tababareyaal ka ah Dugsiga tababarka Ciidanka TurkSom ee Muqdisho.

Saraakiisha ayaa kawada hadlay dardar-gelinta tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, Si gaar ah waxay uga hadleen siddii CXDS ee tababarka ku qaatay dugsiga TurkSom ugu qeyb qaadan lahayeen Howlgalada ka dhanka ah Xoogaga Al shabaab.

Taliyaha ciidamada dowladda Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa soo dhaweeyay kaalinta muuqata ee dawladda Turkiga ka qaadaneyso Dhismaha Ciidanka.

Dugsiga Tababarka Ciidanka ee TurkSom ayaa waxaa hadda tababar uu uga socdaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga, iyaddoo horay dugsigaas ay uga qalin jabiyeen dhowr dufcadood, kuwaasi oo Taliska CXDS uu qorsheynayo in la howl galiyo oo ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Alqaacidda Somaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here