Wararkii Ugu Danbeeyay Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan oo Saakay Laga Dareemayo Duleedka Marka

0

Saraakiisha iyo ciidamada dowladda ayaa saakay howlgalo xoogan ka wada deegaano hoos yimaada degmada marka oo shalay ka dhacay dagaal xoogan.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sakay halkaasi ka wada dhaq dhaqaaq ciidan oo looga soo horjeedo Xoogaga Al shabaab.

Sarkaal katirsan ciidamada Militaryga dowladda oo La hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisa uu yahay sidii Ciidamo katirsan Al shabaab oo ku sugan duleeedka Marka, halkaasi looga saari lahaa.

Shalay degaanka Gandarshe iyo deegaano kale ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo dhax maray ciidamada dowladda iyo Kuwa Xoogaga Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here