TaliyahaCiidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkiga, kuwaasi oo tababareyaal ka ah Dugsiga tababarka Ciidanka TurkSom ee Muqdisho.
Saraakiisha ayaa kawada hadlay dardar-gelinta tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, Si gaar ah waxay uga hadleen siddii CXDS ee tababarka ku qaatay dugsiga TurkSom ugu qeyb qaadan lahayeen Howlgalada ka dhanka ah Xoogaga Al shabaab.
Taliyaha ciidamada dowladda Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa soo dhaweeyay kaalinta muuqata ee dawladda Turkiga ka qaadaneyso Dhismaha Ciidanka.



