Weerar Khasaare Dhaliyay oo Lagu Qaaday Dad Ku Sugnaa Duleedka Hoosingow + Dhageyso

0

Kooxo hubeysan ayaa Weerar khasaaro dhaliyey ku qaaday dad reer Miyi ah oo ku sugnaa duleedka Deegaanka Hoosingow ee Gobalka Jubbada Hoose sida ay Simba u Xaqiijiyeen Dadka deegaanka.

Inta la Xaqiijiyey hal qof oo ka mid ah dadka reer guuraaga ah ayaa dhinta ka dib markii Maleeshiyaad hubeysan ay Weerareen goob dhuxusha lagu shido oo ku taala duleedka Deegaanka Hoosingow.

Mid ka mid ah dadka Deegaanka ayaa Idaacada Simba u sheegay in Maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen dad rayid ah waxaana Xusay Kooxada Weerar qaaday ay ka tirsan yihiin Xoogaga Al-shabaab.

Dhageyso Codka:-  Mid Kamid Ah Dadka Deegaanka Hoosingow

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here