Wararka ka imaanaya Gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Jubbaland ay gubeen Masaajid iyo Guryo ku yaala Tuulooyin hoos yimaada Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.
Ciidanka Jubbaland oo gaaray Tuulooyinka Buulo-garsey,Yaaqooti iyo Dabeyl-weyn oo dhamaantood dhaca Waqooyiga Magaalada Kismaayo ayaa dab qabadsiiyey guryo ay daganaayeen dad rayid ah sida Idacaada Simba uu u Xaqiijiyey Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda ee Gobalka Jubbada Hoose.
Cabdirashiid Macali gaas oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa Idaacada Simba u Sheegay in Ciidanka Jubbaland ay Tacadiyo badan ku geysteen dadka Tuulooyinka Waqooyiga Kismaayo,kuwaas oo uu xusay inay gubeen guryo dhowr ah ay dad rayida ay daganaayeen.
Halka Hoose Ka Dhageyso Codka: Sarkaal Cabdirashiid Macali Gaas Oo Simba La Hadlay

