Maxuu Ku Saabsan Yahay Muranka Madaxda Galmudug (Akhriso + Dhageyso)

0

kulanka  Xalinta Khilaafka Madaxda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka taagan furitaanka kulankaasi Ismari waa Xoogan, sida ay heshay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa Sheegaya in labada garab ee Maamulka Galmudug ay kala wadaan qodobo iska soo horjeeda kuwaasi oo keenay Isfahan waa sababay in uu qabsoomi waayo kulanka dhexdhexaadinta ee ay Dowladda dhexe garwadeenka ka tahay.

Ismari waagaani waxaa uu yimid ka dib markii gabarka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir  iyo Madaxweyne ku Xigeenka Maxamed Cabdi Xaashi ay soo jeediyeen in Dastuurka Galmudug uu yahay in kii jiray intii aysan midoobin Galmudug iyo Ahalusuna oo aan aqoonsanayn awood qeybsiga cusub eek u yimid heshiiskii Galmudug iyo Maamulkii Ahalusuna ee Jabuuti iyo Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale gabarka Madaxweyne Xaaf ayaa wata Dastuurka Galmudug uu yahay midkii la sameeyey ka dib midowgii Galmudug iyo Ahlusuna arintaas oo keentay Is fahan waa Hor leh.

Wasiirkii hore dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa Idaacada Simba u sheegay in garabka Madaxweyne Xaaf ay wataan Dastuur cusub oo ay qorteen islamarkaana aan aheyn midkii lagu dhisay Maamulka Galmudug, kaasi oo sababay Is fahan waaga xiligaan ka dhex jira Madaxda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here