Tirada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Bishan Ramadaan Lagu Dilay koofur Africa

0

Kooxo Hubeysan Ayaa  Cabdulqaadir Nuur Iiman  waxay ku  Toogteen  tuulo hoostagta Magaaladda Cape town  ee Dalka koofur Africa, waxaana lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee magaaladda.

Dadkii ka soo qeyb galay aaska, Ayaa  Tacsi u diray  eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay marxuumkaasi.

Maxamed cumar Talyaani Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaliyeed ee  Dalka koonfur Africa,  Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dilka aan joogsiga laheyn ee loo geysto Muwaadiniinta Soomaliyeed, Isaggoona Baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Mawaadinkan ayaa  noqonayo mawaadinkii  5-aad  ee tan iyo bilowgii Bishaan barakeysan ee Ramadaan lagu dilo Dalkaasi Koonfur Africa, sido kale dalka koofur afrika ayaa noqonaya wadamada inta badan lagu ugaarsado ganacsata soomaaliyeed ee ku sugan wadamada kale ee Caalamka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here