Al-shabaab Oo Soo Bandhigay Qaabka Ay u Dileen Saraakiil Ciidan, Odayaal Dhaqameedyo Wasiir Iyo Xildhibaan (Sawirro)

0

Mu’asasada Alkataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay baahisay filim cajiib ah oo ay ku soo bandhigeyso weerarada dilalka qorsheysan ah iyo qaraxyada ee ciidamadooda gaarka ah ee amniyaatka ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose.

Filimkan Al-shabaab ay siideysay ayaa lagu soo badhigayaa howlgallada Guutada Amniga ee Al-Shabaab ee loo yaqaano Maxamed Bin Maslama ee beegsada saraakiisha iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Hordhaca filimka ayaa lagu soo bandhigayaa tababaro iyo dhoolatuska qaabka ciidamada Al-shabaab ay u fuliyaan  weerarada iyo dilalka qorsheysan, inkastoo goobta aan lagu soo bandhigin meesha ay tahay xarunta ay ku sameynayan dhoolatuska Amniyaatka Al-Shabaab ee Maxamed Bin Maslama loo yaqaan.

filimku ayaa soo bandhigaya howlgallo gaar ah oo Xoogaga Al-Shabaab ay ka fulinayan gudaha Muqdisho kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo lagu beegsanayo Saraakiil ciidan, Ergooyinka soo xulay xubnaha xildhibaanada iyo shaqaale ka tirsan dowlada federalka, sida Al-shabaab muuqaalka ay ku cadeeyeen.

Sidoo kale waxaa filimka lagu soo bandhigayaa qaraxyo lala beegsanayo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaana muuqaalka lagu arkayaa qaraxyadaasi oo la kacaya kolonyo ciidanka Amisom.

Muuqaalka ay baahisay Al-shabaab ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa qarax xoogan oo bishii Maarso ee sanadkan lagu dilay C/Qaadir Baraf oo ahaa waziiru dowlihii amniga ee koonfur galbeed, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan maamulkaas, iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabi jiray Axmad Cabdi Faarax Kaboweyne oo ka tirsanaa baarlamaanka HiirShabelle laguna dilay qarax ka dhacay gobalka Sh/Hoose.

Filimkan oo la daawan karo qadar 13 daqiiqo ayaa lagu baahiyay webset-yada lagu baahiyo wararka iyo dilalka Al-shabaab ay ka geystaan gudaha gobalada dalka Soomaaliya.

Halka Hoose Ka Daawo Sawiradda Lagu Bahiyay Baraha Bulshada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here