Kooxo Hubeysan Ayaa Cabdulqaadir Nuur Iiman waxay ku Toogteen tuulo hoostagta Magaaladda Cape town ee Dalka koofur Africa, waxaana lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee magaaladda.
Dadkii ka soo qeyb galay aaska, Ayaa Tacsi u diray eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay marxuumkaasi.
Maxamed cumar Talyaani Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaliyeed ee Dalka koonfur Africa, Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dilka aan joogsiga laheyn ee loo geysto Muwaadiniinta Soomaliyeed, Isaggoona Baaq u diray dowladda Soomaaliya.
Mawaadinkan ayaa noqonayo mawaadinkii 5-aad ee tan iyo bilowgii Bishaan barakeysan ee Ramadaan lagu dilo Dalkaasi Koonfur Africa, sido kale dalka koofur afrika ayaa noqonaya wadamada inta badan lagu ugaarsado ganacsata soomaaliyeed ee ku sugan wadamada kale ee Caalamka

