Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 03-Jan-16 soo xidhay shirweynihii la-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Puntland oo maalintiisii labaad galay islamarkaasina maanta isugu jirey dhammaystirka qayb kamid ah wax-qabadka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda iyo sidoo kale soo bandhigidda qorshe hawleedka Hay’adaha ee sanadka 2016-ka.
Intooda badan wasaaradihii iyo hay’adihii maanta miiska saaraa ayaa soo bandhigay horumaro kala duwan oo ay ku tallaabsadeen iyo qorshayaal dar-dargelindoona shaqooyinka baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan oo ay ballan qaadeen in ay hirgelin doonaan sannadkan cusub ee 2016-ka.
Maalinta berrito ah oo noqonaysa maalintii ugu dambeysey ayaa lafilayaa in lagu soo afmeero shirkan la-xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee Maamulka Puntland , waxaana bulshada Puntland ay noqon doonaan kuwo siweyn uga war-qabada maamulkooda islamarkaasina la-xisaabtami kara.










