Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Wafdi Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir. Wasiiro ka Tirsan Maamulka Galmudug iyo xildhibaano oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah wadamada caalamka.
Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyay madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Mudane C/kariin xuseen Guuleed oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in kulamo uu lasoo qaatay Jaaliyada Maamulka Galmudug ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isgaoona sheegay in kulamadaas ay guulo waa weyn laga soo gaaray,
Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Cali Gacal Casir oo warbaahinta kula Hadlay garoonka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in kulamo ay Magaalada Muqdiso kula soo qaateen Madaxda dowlada soomaliya,
Waxaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud dhawaan ka Furmi doono kalfadhiga 2-aad ee golaha Baarlamanka Maamulka Galmudug.










