Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda soomaliya Mudane C/risaaq cumar Maxamed ayaa galabta gaaray Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya,
Ujeedka wafdigaan wasiirka amniga Gudaha hogaaminaayo ayaa ah sidii aay uga qeyb gali lahayeen aas qaran oo maalmaha soo socdo loo sameeyn doono Ugaas C/raxman Ugaas khaliif ugaas Rooble oo maanta ku geeriyooday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wafdiga wasiirka amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa la sheegay in ay Haatan ku sugan Yihiin degaanka ceel jalle ee duleeydka magalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

