Madaxweynaha Puntland oo Galabta soo Xiray Shirkii laxisaabtanka Hay’adaha + Sawiro

0

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 03-Jan-16 soo xidhay shirweynihii la-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Puntland oo maalintiisii labaad galay islamarkaasina maanta isugu jirey dhammaystirka qayb kamid ah wax-qabadka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda iyo sidoo kale soo bandhigidda qorshe hawleedka Hay’adaha ee sanadka 2016-ka.

Intooda badan wasaaradihii iyo hay’adihii maanta miiska saaraa ayaa soo bandhigay horumaro kala duwan oo ay ku tallaabsadeen iyo qorshayaal dar-dargelindoona shaqooyinka baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan oo ay ballan qaadeen in ay hirgelin doonaan sannadkan cusub ee 2016-ka.

Maalinta berrito ah oo noqonaysa maalintii ugu dambeysey ayaa lafilayaa in lagu soo afmeero shirkan la-xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee Maamulka Puntland , waxaana bulshada  Puntland ay noqon doonaan kuwo siweyn uga war-qabada maamulkooda islamarkaasina la-xisaabtami kara.

IMG_0920 IMG_0956 IMG_1055 IMG_1127 IMG_1140 IMG_1143 IMG_1169 IMG_1174 IMG_1276 IMG_1348

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here