Sida dadka deegaanka ay idacada Simba ee magaalada Muqdisho u sheegeen waxaa willi degmada deyniile gaar ahaan halkii lagu dagalamay shalay galinkii dambe ilaa xalay ee Haanta dheer iyo Xerada Saban Saban willi ka taagan xaalad degnaansho la,aan oo aan cago badan ku taagneyn iyo cabsi ay dadka deeganka ka qabaan inay markale dagaalo qarxaan kadib markii dhinacyadii dagaalamay aan lakala durjin oo ay willi is horfadhiyaan, sakayna halkaasi laga maqlayo rasaas goos goos ah.
Ciidamada daagalamay ayaa la sheegayaa iney isku heystaan Xerada 77 ee ku dhaw dhismaha Wasaaradda difaaca Soomaaliy ilaa Haanta dheer ee magaalada Muqdisho.
Dagaal soo bilaawday galinkii dambe Khamiistii shalay ayaa xalay oo dhan halka lagu dagaalamay iyo xaafadaha ka agdhaw waxaa si goos goos ah looga maqlayay Rasaas goos goos waxaana ku nafwaayay ilaa 5 qof sida uu idaacada Simba u xaqiijiyay qof marqati ah oo dadka deegaankana kamid ah.
Dadka dhintay ayaa waxaa haleelay wiifto iyagoo qaarkood ay guryahooda ku sugnaayeen.
Dad ka badan ilaa 10 ruux ayaa la dhigay Cisbitaalada Magaalada Muqdisho kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalkii Haanta dheer, sido kale waxaa jira dad ka barakacay dagaalka oo u hayaamay degmooyin kale.
Dhowr jeer oo hore ayaa halkaasi dagaaal uga dhacay, Ma jirto ilaa iyo hada cid kala dhaxgashay waxaana wali socda abaabulka gurmad ay helayaan dhinacyada qaar kamid ah qoysaska kunoolaa Haanta dheer iyo Xerada Saban Saban ayaa Guryahooda isaga barakacay.
Wararkii ugu danbeeyay dagaalka goos gooska ah ee ka socda agagaarka wasaarada difaaca Soomaaliya, ayaa ku waramay in iminka xaalada sidii hore ay dhanto, balse ciidamada dagaalamay aan la kala qaadin mararka qaar rasaas teel-teel ay is dhaafsanayaan, walow dadkan wali ku haray xaafada , ay sameynayaan baqdin xoogan, maadaama wali xiisada ay taagan tahay xili walbana uu dhici karo mar kale dagaal.
Xiriiro Simba ay la sameysay maamulka degmada deyniile ayaa noo suura galin si wax aan kaga weydino waxa dhacay, iyo sababta maamulka u kala dhax gali la yahay ciidamada dagaalamaya oo u abaabulan qaab qabiil, kuwaa oo kala taabacsan beelo walaalo ah oo wada dega aaga xerada 77 ee Muqdisho.

