Siyaasiga Mukhtaar Nuur Geeseey ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka Soomaaliya oo u kala qeybsan labo garab oo qeyb ka mid ah taageero ka heysato Xukuumadda ayaa ku baaqaya in xiisada lagu badalo xal dan umadeed keeni kara.
Geesey Waxaa uu soo jeediyay in kulan dhex dhexaad ah oo lagu kala baxo la qabto, kaas oo uu shir guddoominayo qof ay ku kalsoonyihiin labada dhinac.
Waxa uu tusaale u soo qaatay Guddoomiayaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi in uu shir guddoomiyo kulanka islamarkaana dhinacyada iska soo horjeeda ay codadkooda la yimaadaan madasha ciddii guuleysato loo sacaba tumo cidii lga guuleysatana iska tagto si loo helo deganaasho siyaasadeed .
Dhageyso:- Wareysiga uu Radio Simba Siiyay Siyaasiga Mukhtaar Nuur Geeseey

