Deg Deg:- Toogasho Ka Dhacday Jaamacad Ku Taal Turkiga

0

Ruux hubaysan ayaa toogasho ku dilay dad u shaqaynayay jaamacad ku taalla magaalada Eskisehir ee dhacda waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga.

Wararka ka imaanaya dalk turkiga ayaaku waramaya in ninka dhibka gaystay uu cilmi baadhe ka yahay jaamacadda Osmangazi haddana la xiray.

Dadka la dilay waxay kala ahaayeen ku xigeen waaxeed, xog haye iyo labo macallin, saddex ruux oo kale ayaa weerarkaas ku dhaawacmay sida ay ku warrantay warbaahinta CNN Turk.

Lama ilaa iminka sababta ku riixday ruuxa inuu geysto toogashada, balse hadda waxaa su’aalo waydiinaya booliiska dalkaasi turiga.

Warbaahinta Turkiga qaarkood ayaa sheegaya in ninka weerarka gaystay uu isku dayay in uu baxsado, balse uu markii dambe isa soo dhiibay, ninka weerarka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Volkan B.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here