Dhageyso:- Maamulka Degaanka Buq-goosaar oo beeniyay in al-shabaab ay deegaanka la Wareegeen

0

Maamulka Degaanka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya  ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamo ka Tirsan xarakada al-shabaab ay la wareegeen deeganka,

Maxamed Cabdi dhicisow oo ah Gudoomiyaha Degaanka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo ka Tirsan al-shabaab  ay u suurta gashay in ay la wareegaan gacanta ku haynta deeganka oo shalay ay ku dagalaameen meeleeshiyo beeleed wada daga deegaankaas,

Gudoomiyaha Degaanka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan  Maxamed Cabdi dhicisow waxa uu sidoo kale waxba kama jiraan ku Tilmaamaay wararka sheegay in deeganka laga Taagay calanka xarakada al-shabaab,

Hadalka Gudoomiyaha   Degaanka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan aya imaanaya xili shalay ay deegankaas ay ku dagalaameen maleeshiyo beeleed wada-daga deegankaas,

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here