Baarlamanka koonfur Galbeed  oo Maanta dhageysanaya Qudbadaha Musharixiinta Gudoomiyaha

0

Xildhibaanada baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa Maanta dhageysan doona qudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

Qaban-qaabada xaflada Lagu dhageysanayo qudbadaha Musharixiinta u Taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa saakay laga dareemayaa xarunta shirarka baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Kmg-ga ee Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane C/lle Mursal Xuseen oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in maalinta bari ah ay dhici doonto doorashada Gudoomiyaha baarlamanka maamulka koonfur Galbeed soomaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here