Maamulka Degaanka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamo ka Tirsan xarakada al-shabaab ay la wareegeen deeganka,
Maxamed Cabdi dhicisow oo ah Gudoomiyaha Degaanka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo ka Tirsan al-shabaab ay u suurta gashay in ay la wareegaan gacanta ku haynta deeganka oo shalay ay ku dagalaameen meeleeshiyo beeleed wada daga deegaankaas,
Gudoomiyaha Degaanka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi dhicisow waxa uu sidoo kale waxba kama jiraan ku Tilmaamaay wararka sheegay in deeganka laga Taagay calanka xarakada al-shabaab,
Hadalka Gudoomiyaha Degaanka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan aya imaanaya xili shalay ay deegankaas ay ku dagalaameen maleeshiyo beeleed wada-daga deegankaas,

