Xidiga Juan Iturbe ayaa ka Hadlay sida uu yahay dareenkiisa kadib markii uu u soo dhaqaaqay Horyaalka dalka Ingiriiska gaar ahaan kooxda AFC Bournemouth oo horyaalka ku cuusb xili ciyaareedkaan,
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Argentine Juan Iturbe ayaa Noqday xidigii Ugu horeeyay ee xili ciyaareedkaan ay lasoo wareegaan kooxaha Horyaalka dalka Ingiriiska kadib markii uu booskiisa joogtada ah uu ka waayay kooxda Magaalada Roma ee ASS Roma,
Xidigaan oo shalay Lagu soo bandhigay garoonka Cherries ayaa si amaah ah xili ciyaareedkaan ku qaadan doona Horyaalka dalka Ingiriiska ,

