Howlgal Dhalinyaro Lagu Soo Qab-Qabtay oo Laga Sameeyay Magaalada Gaalkacyo

0

Laamaha Amniga ee Gobolka Mudug oo waday mudooyinkii danbe Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoos yimaada.

Ciidamada ayaa Howlgaladan waxa ay ka sameeyeen dhamaan Xaafadaha ay magaalada ay ka koo ban tahay ,waxayna ku soo qab qabteen dhalinyaro falal Amni daro kawaday magaalada Gaalkacyo.

Axmed Cismaan Cali Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay in Howlgalo oo laba jibaar ah ay Ciidamada ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ayna noqon doonaan kuwo joogto ah.

Waxa uu sheegay in howlgalkan looga golahaa xaqiijinta Amniga iyo ka hortaga falal Amni daro.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa fariin udiray Waalidiinta dhashay dhaliyarada Mobilada dhaca xiliyada habeenkii , wuxuna sheegay in ay jiraan Waalid marka Caruutooda lagu soo qabto fal Amnidaro Saldhiga uga daba yimaada iyagoo ku andacoonaya in uusan wax dambi ah galin .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here