Ciidamo Ka Tirsan Militariga Soomaaliya oo Qarax Xoogan Lagula Eegtay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo sakay lagula eegtay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya wadada warshadha ee magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa Radio Simba u xaqiijiyay qaraxa, waxeyna sheegeen in kolonyo katirsan ciidamada militariga dowladda Soomaaliya lagula eegtay agagaarka xera Jarmalka ee magaalada muqdisho.

Kolanyada ciidama militariga ee qaraxa lala eegtay ayaa ilaa iminka la xaqiijin khasaaraha kasoo gaaray qaraxasi oo ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laha hago.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee saldhiga ku leh agagaarka Ifka Xalane oo xiriiro la sameysay Simba ayaa xaqiijiyay inuu jiro qaraxa miino eel ala eegtay cutub katirsan ciidama militariga Soomaalya, inkasto saraakiisha ay ka gaabsadeen iney inooga war bixiyaan khasaaraha soo gaaray ciidama qaraxa la kulmay.

Sido kale waxaa wali la ogeen khasaaraha rasmiga ee gaaray ciidamada weerarka la kulmay.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan qaraxa ayaa sheegaya in ciidanka dowladda qaraxa kadib ay isku gadaameen halka qaraxa lagula eegtay, balse aysan usoo qaban qaraxa dadkii halkaa ka ag dhawaa.

Ilaa iminka majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa miino ee lala eegtay ciidamada dowladda.

Waxii qaraxa kusoo kordha iyo khasaaraha intaba kala soco…. SimbaNews.com

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here