Xildhibaano Ka Badan 100 oo Sheegay Inuu Bur-Buray Mooshinkii Jawaari (Akhriso)

0

Waxaa xalay magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya kulan ku yeeshay Xildhibaano ka badan 100 oo la magac baxay bad baado qaran kuwaa oo ku dhawaaqay inuu burburay Mooshinkii laga keenay Gudoomiye Jawaari sababtana waxay ku sheegeen 10-ka bari ee loo qabtay Mooshinkii in lasoo dhaafay.

Kulanka Xildhibaanada Xalay shiray ayaana Masuuliyadda Wadanka sharci jabinta oo dhan Waxay Masuuliyadaas dusha u saareen Madaxweyne Farmaajo, waxayna raaciyeen inuu madaxweynaha la dhacsan yahay uu ku garab yahay Raisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Gaba-gabadii  Xildhibaanada ka soo horjeeda jawaari ayaa ka biyo diiday wixii xalay soo baxay ee laga shiray waxayna ku adkeysteen inuu mooshinka dhici doono maalinta sabtida ah mudane jawaarina xilka laga qaadi doono, waa sida ay hadalka u dhigeen xildhibaanada ku garabka ah xukuumada kheyre.

Akhriso War Saxaafadeedka  kasoo baxay Xildhibaano la magac baxay bad baado qaran 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here