Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Aadan Cabdi cawaale oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha rasmiga ee ka dhashay is rasaaseyn dhax martay maleeshiyaad baaraley ah oo ku dhaqan deegaanka beeralayda ah ee laaso Dacawo ee ka tirsan gobolka Saaxil.
Aadan Cabdi cawaale ayaa sheegay in imika aanay wax dhibaato ah ka jirin halkaasi oo ay ku guulaysteen inay xaliyaan dhibkaasi, oo dhax dhaxaadin ay kala dhax dhigeen maleeshiyaadkii dirirtu dhax martay.
“Hada Wax dhibi ma Jirto Amaankana Waanu Sugnay , Waxaa gacanta iskula tagay rag Beeralay ah oo dhaawcyo Isku gaystay, Xiligan Waxaa u Xidhan Illaa Todoba Dhaawacyo kala Duwan qaba”. Ayuu yiri Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Aadan Cabdi cawaale oo tagay goobta dirirtu ay ka dhacday.
Taliyaha Booliiska ee Gobolka Saaxil Wuxuu Intaa Ku daray in ay Jirto Rasaas Laysku Adeegsaday, Waxaanu Intaa Ku daray In ay Soo qabteen Afar qori iyo Baaskoolad, iyo toban qof iney soo xireen.

