Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in uu kalsoonidii kala noqday gudiga doorashooyinka qaranka Jamhuuriyada iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland.
C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro gudoomiyaha xisbiga Waddani oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada hargeysa ayaa sheegay iney gabi ahaanba kalsoonida kala noqdeen gudiga doorashooyinka, ayna u gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi warqada kalsooni kala noqoshada gudiga doorashooyinka Jamhuuriyada iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday.
Gudoomiyaha xisbiga wadani ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay Madaxweynaha Soomaliland Gudiga doorashooyinka laka diro,isla markaana lasoo dhiso gudi kale si ay uga qeyb galaan doorashooyinka soo socda ee la filayo in ay ka dhacaan deeganada iyo degmooyinka katirsan maamulka Soomaaliland.
Bayaan ka ka Soo Baxay Xisbiga Wadani Halkaan Hoose ka Akhriso


