Ciidamada Nisa oo Duleedka Cadaado ku Qabtay 20 Ruux oo Hubeysan

0

Ciidanka Nabad Sugida Galmudug oo Howlgal ka Fuliyey Duleedka Degmada Cadaado ayaa gacanka Ku dhigay Koox Hubeysan oo lagu eedeeyey inay abaabulayeen Falal ka amni daro sida ay noo Xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Amniga gobalkaasi.

Taliyaha Ciidanka nabad sudiga NISA ee Galmudug Cali Cilmi Ilkacase oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ku dhawaad 20-ruux iyo Hub ay wateen, kuwaasi oo uu  tilmaamay inay ku howlanaayeen Falal amni daro, hadana gacanta ay ku hayaan ciidama amaanka.

Taliyaha ayaa intaa ku daray  inay Baaritaan  ku hayaan Ragaan ay soo qabteen islamaarkaan ay Cadaalada Marin doonaan hadii lagu helo falalka lagu eedeeyey. Cod

Ciidanka Nabad Sudiga NISA ee Deegaanada Galmudug oo  maalmihii danbe waxaa ay wadeen Howlgal lagu la dagaalamayo Kooxaha Isbaarooyinka dhigtay ayaa Shalay Toogtay Qaarka mid ah Maleeshiyaad isbaaro  dhigtay wadada Xariirisa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here