Aqalka Sare Oo Meel Mariyay Xeer Soomaaliya looga Mamnuucayo Shirkadda Dp World)

0

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliya, kaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Labadii maalmood ee la soo dhaacay ayaa xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ay aad uga doodayeen xeerkaan, iyadoo xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in dib loo dhigo.

kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 36-xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Waxaa ogolaaday xeerkaan 28-xildhibaan, waxaa diiday 6-xildhibaan iyadoo ay ka aamuseen labo xildhibaan oo kaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu danbayntii ku dhawaaqay in xeerkaan uu sidaa ansax kuyahay.

Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa loo gudbin doonaa xeerkaan maadaama uu ka soo gudbay Baarlamaanka Soomaaliya, marka uu saxiixo madaxwaynaha ayaana lagu soo saari doonaa faafinta rasmiga ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here