Ciidanka Nabad Sugida Galmudug oo Howlgal ka Fuliyey Duleedka Degmada Cadaado ayaa gacanka Ku dhigay Koox Hubeysan oo lagu eedeeyey inay abaabulayeen Falal ka amni daro sida ay noo Xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Amniga gobalkaasi.
Taliyaha Ciidanka nabad sudiga NISA ee Galmudug Cali Cilmi Ilkacase oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ku dhawaad 20-ruux iyo Hub ay wateen, kuwaasi oo uu tilmaamay inay ku howlanaayeen Falal amni daro, hadana gacanta ay ku hayaan ciidama amaanka.
Taliyaha ayaa intaa ku daray inay Baaritaan ku hayaan Ragaan ay soo qabteen islamaarkaan ay Cadaalada Marin doonaan hadii lagu helo falalka lagu eedeeyey. Cod
Ciidanka Nabad Sudiga NISA ee Deegaanada Galmudug oo maalmihii danbe waxaa ay wadeen Howlgal lagu la dagaalamayo Kooxaha Isbaarooyinka dhigtay ayaa Shalay Toogtay Qaarka mid ah Maleeshiyaad isbaaro dhigtay wadada Xariirisa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

