Isbitaal ku yaala Suuriya oo dhulka hoostiisa laga dhisay si looga badbaado duqeymaha cirka ayaa dadka ku dhaqan dalkaasi ay sheegayaan in uu la kulmay duqeymo dhanka cirka ah
Waxa uu isbitaalkan ka shaqeeyaa gobolka Xama, waxaana laga dhisay 20 mitir dhulka hoostiisa, isbitaalkan ayaa la sheegayaa in laga dhisay markiisa hore ee la dhisayay meel buur ah.
Weerarka xaga cirka ah ee lagu qaaday Isbitaalka ayaa waxaa lagu soo warayamaa inuu ka dhashay khasaare dhaawacyo ah oo soo gaaray bukaanadii halkaa lagu dabiibayay.
Isbitaalkan ayaa lagu magacaabaa Al Maqbara oo loola jeedo ‘Godka’ , waxaana la sheegay in dhaqaatiirta iyo dadkii bukaanka ahaa ay meel bad qabta galeen sidaasina ay ku bad baadeen.
Waxa uu isbitaalkan u adeegaa illaa 50,000 qof, bil kastana waxaa lagu sameeyaa 150 qaliin oo culculus.
QM ayaa sheegtay in 14 weerar lagu qaaday goobo caafimaad oo Suuriya ku yaala bishii Janaayo kaliya.
Lama oga cidda weerarka geysatay, balse diyaaradaha Suuriya iyo kuwa Ruushka ayaa inta badan duqeymo kala dul dhaca fariisimaha Alqaacida iyo daacish iyo dadka rayidka ah eek u dhaqan suuriya.
Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in goobaha go’doonka la gali waayay, islamarkaasna aanan wax gargaar ah la gaarsiin karin.

