War Deg Deg Ah:- Qarax Lala Eegtay Ciidamo Kusii Jeeday Magaalada Jowhar

0

Warar goor dhaw naga soo gaaray gobalka shabeelaha dhaxe ayaa ku waramaya in halkaasi qarax miino lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa midowga afrika ee Amisom.

Kolonyada ciidamad amisom ee weerarka qaraxa la kulmay ayaa la sheegay iney marayeen deegaano duleedka kaga beegan degmada balcad ee gobalka shabeelaha dhaxe, ciidamadaa oo dadka deegaanka ay Simba u sheegeen iney kusii wajahnayeen magaalada jowhar ee xarunta maamulka Hirsh-shabeelle

Xiriiro idacada Simba ay la sameysay saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka shabeelaha dhaxe ayaa diiday iney ka hadlaan weerarkan qaraxa miino ah ee la sheegay in lala eegtay ciidamo katirsan Amisom.

Wali majirto ilaa iminka cid sheegatay mas’uuliyada qaraxan miino ee lala eegtay ciidamada Amisom, sido kale ilaa hada lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa ee ciidamada lala eegtay.

Waxii kusoo kordha kala soco www.SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here