Ciidamo Cadaan Ah oo Dhaqdhaqaaq Millitari ka Wada Gobalka Sh/Hoose

0

Warar ka imaanaya deegaano katirsan gobalka shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in halkaasi maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka sameynayaan ciidamada gaarka Mareykanka & kuwa danab ee soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan degmada walaweyn ayaa Idaacada Simba u sheegay iney sakay ilaa iminka arkayeen gadiid fara badan oo ay wataan ciidamo cadaan ah iyo kuwa soomaali ah oo u dhaqaaqaya deegaano hoos taga degmada walaweyn ee gobalka shabeelaha, halkaasi oo lagu tuhun san yahay iney kusoo dhacday diyaarada xamuulka ee lagaga cabsida qabo iney gacanta u gasho xarakada Al-shabaab.

Diyaarada ayaa la sheegay iney kusoo dhacday dhul howd ah oo buuraley ah halkaasi oo dadka deegaanka ay sheegeen iney saldhiyo ku leeyihiin dagaalamayaasha Xarakada Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa maanta ilaa xalay gaarayay ayaa ka warbixiyay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan, iyaga iyo sido kale ciidamada gaarka ee dowlada mareykanka kuwooda ka howlgala gudaha dalka soomaaliya, saraakiisha ayaa sheegtay iney dib ka bixin doonaan warbixinta oo dhameystiran, sida ay u sheegeen idaacada Simba ee magaaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Diyaarada xamuulka ah ee la sheegay iney kusoo dhacday deegaano duleedka kaga beegan degmada walaweyn ayaa ilaa iminka la ogeyd waxa ay waday iyo cida gacanta ay u gashay, wararka qaar ayaa sheegaya iney diyaarada xamuul u waday ciidamada dowladda ama kuwa midowga afrika ee Amisom.

Waxii kusoo kordha dhaq dhaqaaqaasi ciidamada cadaanka iyo kuwa kumaandooska soomaaliya ay ka wadaan duleedka degmada Walaweyn waan idinla soo wadaagi doonaa……. WWW.SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here