Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay xubnaha tababarayaasha ah ee Ciidankeeda xoogga ka jooga gudaha Soomaaliya kala bixi doonaan dabayaaqada Bisha March ee Sanadkan.
Sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Jarmalka ayaa wargeyska Der Spiegel: u sheegay inay joojin doonaan howlaha laylinta Ciidanka xoogga Soomaliya ee ay Midowga Yurub ka wadaan Dalka.
Militeriga Jarmalka waxaa Soomaaliya ka jooga Saraakiil ka qayb qaadanaya tababarka hoggaanka Midowga Yurub ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, kaas oo soo billowday Sanaddii 2010-kii.
Dowladda jarmalka ayaa qayb ka ah Waddama badan oo Reer galbeed ah, kuwaasoo Soomaaliya ka caawiya xagga tababarrada ciidanka, la talinta iyo la dagaalanka xarakada Al-shabaab ee soomaaliya.




