Ciidamada Puntland Iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Deegaanka Sugurre

0

Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay iney isku fara saareen deegaano duleedka dhaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar xooggan xalay ku qaaday saldhig ciidamo ka Tirsan maamulka Puntland ay ku lahaayeen deegaanka Sugurre ee dhaca duleedka magaalada Boosaaso gobolka Bari.

Ciidamada Maamulka puntland iyo Al-shabaab ayaa la sheegay in ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan islaamarkaana uu jiro khasaaro soo kala gaaray laba dhinac ee dagaalamay.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa ayaa sheegtay iney madaafiic ku garaceen saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamada maamulka Puntland, sido kale shabaab ayaan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Saraakiisha Maamulka Puntland oo ay xiriiro la sameysay Idaacada Simba ayaa sheegay inuu jiro weerarkaasi, balse ay dib ka bixin doonaan faah faahin ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Ilaa haatan ma jiro cid ka madax banaan oo xaqiijinkarta in khasaare uu soo gaaray Ciidamada Puntland ee weerarka la kulmay, balse Xoogaga Al-shabaab ee ka dagaalama buuraleyda goolis ayaa marar badan oo sidaan oo kale weerar uga qaaday fariisimo Askarta Puntland ay kaga sugan yihiin buuraleyda galgala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here