Dowladda Sri-lanka Oo Dalbatay Qorshe Soomaaliya Ay Ugu Direyso Maraakiib Dagaal

0

Dowladda Sri Lanka ayaa qorsheynaysa inay ku biirto dalalka ku bahoobay ilaalada xeebaha iyo la dagaallanka burcad badeedda Soomaliya (CGPCS)  the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia.

Golaha wasiirrrada xukuumadda Sri-lank ayaa ansixiyay soo jeedinta Madaxwaynaha Dalkaasi Maithripala Sirisena; ee ahayd inay dowladdiisu codsi rasmi ah u gudbiso kooxda ilaalinta xeebaha iyo la dagaallanka Buracad Badeedda Soomaaliya.

Intii u dhaxaysay Sanadihii 2005 illaa 2010 ayay ahayd markii ay dhaceen Afduubyadii ugu badnaa ee lagu qafaasho  Maraakiib ganacsi, kuwaasoo intooda badan gooshayay Badweynta Hindiya.

Weerarrada Maraakiibta ganacsiga ayaa xilligaasi waxay saameyn xooggan ku yeesheen ganacsiga xorta ah iyo guud ahaan dhaqaalaha caalamka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here