Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax dhigay Xarunta Degmada Wadajir 

0

Muqdisho- 01-02-2018 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Eng Abdirahman Omar Osman (Yariisow) ayaa maanta dhagax-dhigay dib-u-dhiska Xarunta Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xillibaano ka tirsan labada golle ee Baarlmaanka Soomaaliya, Xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka Degmadda Wadajir iyo Shacabka Degmadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Eng Abdirahmaan Omar Osmaan Yariisow oo goobta dhagax-dhiga hadal ka jeedayay ayaa sheegay in maanta uu aad ugu faraxsan tayahay dhagax-dhiga Xarunta Degmadda Wadajir, taas oo horay u burburiyey kooxo Cadow ku ah Hormarka Magaaladan, waxaana uu ugu baaqay Shacabka Degmadda Wadajir ay iska kaashadaan Difaacidda hormarka Degmadda Wadajir.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu u taagan yahay dib-u-dhiska goobaha Bulshada loogu shaqeenayo, iyo waxkasta oo ka qeyb qaadan kara hormarka iyo Quruxda Caasimadda.

“Xarunta degmada Wadajir ee maanta aan dhagax-dhignay waxaa burburiyey koox cadow ku ah horumarka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, waa inaan meel iska taagnaa wax walba oo dib-u-dhac keeni kara, maamulka gobolka Benaadir wuxuu diyaar u yahay idinkoo isku duuban inuu gacan idinku siiyo horumarinta degmada Wadajir, waxaa adinka la idinka rabaa in aad ka qeyb qaadataan hormarka Degmadiina iyo Guud ahaan Caasimadda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here