Warar goor dhaw naga soo gaaray deegaano katirsan gobalka shabeelaha dhaxe ayaa ku waramaya in halkaasi maalintii 3-aad ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed walaala ah oo la sheegay iney yihiin kuwa isku qoys ah oo ku murunsan dhul beereed halkaasi ku yaala.
Ilo dadka deegaanka oo ku dhaqan Tuulada dhagaxoow oo hoos tagta deegaanka xawaadley ee duleedka degmada balcad ee gobalka shabeelaha dhaxe, ayaa ku waramaya in halkaasi maanta laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ay is dhaafsanayaan labada maleeshiyo beeleed ee halkaa isku hor fadhiyay sadaxdii maalin ee ugu danbeysay tuulada dhagaxoow ee duleedka degmada balcad.
Gudoomiyaha deegaanka Xawaadley ee gobalka shabeelaha dhaxe Cabdule Macalin yarrow oo la hadlay Idaacada Simba ayaa faah faahin ka bixiyay labada maleeshiyo beeleed ee maal mahii danbe isku hor fadhiyay tuulada dhagaxoow, waxuuna intaa ku daray gudoomiyaha in maamulkiisa iyo kan degmada balcad ay ku baxayaan maanta halkaasi si loo qaboojiyo xiisa dagaal ee halkaasi ka tagan maal mahaani.
Waxii kusoo kordha rasaasta goos gooska kala soco www.SimbaNews.com

