War Deg Deg Ah: Toogasho Goordhaw ka Dhacday Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo agagaarka Warshada Koka Kola ee Degmada Yaaqshiid, ku dilay ruux kamid ahaa wadayaasha moota Bajaaj ka shaqeysa M- Muqdisho.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay iney ka danbeeyeen dilka loo geystay wiilka dhaliyarada ahaa kana mid ahaa wadayaasha Bajaajta gobalka Banaadir ee maanta lagu tooktay agagarka Koka kola.

Goobjoogayaal ku sugan aaga uu ka dhacay dilka ayaa idaacada Simba u sheegay in wadaha bajaajta ee lagu dilay xaafadooda uu kamid ahaa dhalinyarada ku dhaqan koka kola, balse aynan garan Karin shaqooyinkiisa kale uu qaban jiray lakin ay ku yaqiineen inuu ahaa wade mooto Bajaaj kaliya.

Xiriiro Idaacada Simba ay la sameysay saraakiisha Ciidamada Dowladda ee degmada yaaqshid ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan dilkaan maanta loo geystay wiilka dhalinyarada ahaa wade mooto Bajaajka.

Ma jirto ilaa iminka cid sheegatay masuuliyada dilkaan loo geystay wiilka dhalinyarada ahaa.

Waxii kusoo kordha kala soco WWW.SIMBANEWS.COM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here